madaxii CARE oo Qarsoodi kaga
dhoogay hargeysa
Hargeysa (xornimo) – Madixii shaqada iyo shaqaalaha ee xafiiska hay’adda CARE ku
leedahay magaalada Hargeysa ayaa shalay si qarsoodi ah dalka uga dhoofay, lama oga ujeedada socdaalka iyo halka uu ku aadan
yahay.
Madaxa hay’adda CARE oo abaara 10:00 ilaa 10:30-kii barqanimo ka raacay madaarka Cigaal International Airport diyaarad
ay leedahay UN-tu oo la yidhaahdo UNCAS, waxa si dhuumasho ah gaadhi Landcrusier ah lagaga soo qaaday xafiiska, iyada oo laga
ilaalinayay inay la kulmaan koox wariyayaal ah oo halkaa u tegay inay wax ka weydiiyaan masuulka iyo saraakiisha kale ee hay’addaba
ujeedada safarkiisa iyo sida ay u arkaan go’aankii shir guddoonka golaha wakiiladu ku wargeliyeen madaxa xafiiska CARE
ee Nairobi Mr. Lex Khamiistii toddobaadkii hore, kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in masuuliyiinta CARE ku baddaleen
hawlwadeenkan oo u dhashay dalka Kiiniya, Aamina Sh. Maxamed (Aamina-waris) oo hore ugu guuleysatay tartan ay isaga iyo dad
kale u galeen buuxinta jagadan oo ay hay’addu soo bandhigtay buuxinteeda. Ma jiraan wax war ah oo arrintaa ku saabsan
oo ka soo baxay dhinaca hay’adda, isla markaana lama garan karo halka uu ku tagi doono safarkiisa, balse sida ay tibaaxeen
ilo xoggo gaal ah oo ku dhaw hay’adda CARE, waxa safarkiisu ku lug leeyahay sidii uu masuuliyiinta xafiiska Nairobi
ugala soo tashan lahaa, in uu ka sii shaqeeyo iyo in kale Hargeysa.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in shirguddoonka golaha wakiiladu maanta kulan arrintaa kala yeelan doonaan wasiirka
qorsheynta qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, isla markaana ay wax ka weydiin doonaan arrintan.
Iyadoo ay hore jireen warar sheegaya in wasiirka qorsheyntu lahaa amarka shaqada lagagala noqday Aamina-waris.
Marwo Aamina oo ah Afada guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hore u
sheegtay in aanay ku qanci doonin arrintaas oo ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo wax loogu dhimayo xuquuqdeedii muwaadinimo
ee ay ku lahayd dalkeeda.
Madaxweynekuxigeenka Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Wershed Saabuunta Budada Ah Soo Saaraysa Oo Laga
Dhisay Magaalada Burco xornimo.tipod.com — Burao, Somaliland — 25
March, 2006
Hargeisa (xornimo.tripod.com) Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Maanta Xadhiga
ka jaray Wershad casri ah oo soo saari doonta Saabuunta budada ah ee loo yaqaano Taydha oo ku kacday lacag ka badan shan malyuun
oo dollar, Madaxweyne Ku Xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleeban Maxamuud
Aadan, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamuud faarax, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha
Mudane Nuux Sh. Muuse Ducaale iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo golayaasha qarranka ayaa shallay waxay gaadheen
magaalada Burco.
Madaxweyne ku xigeenka Mudane Yaasiin oo khudbad ka jeediyey xafladd loo sameeyey furitaanka wershadani cusub ayaa wuxuu
sheegay in Xukuumadiisu ay soo dhawaynayso dhiiri gelinaysana Wershadaha noocani oo kale ah oo qayb weyn ka ah ayuu yidhi
horumarka iyo baayac mushtarka casriga ah ee Somaliland dhaqanka iyo hiddaha u lahayd, Mudane Yaasiin wuxuu sheegay in Xukuumadiisu
ay qayb ka noqon doonto dhiiri gelinta Mashaariicda noocani oo kale ah isagoo sheegay in ay u fududayn doonaan dadka muwaadiniinta
ah ee sidani uu kale isku kaashaday inay wershado uga hirgeliyaan waddankooda hooyo.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyey ganacsatadii
iyagu maalgashaday mashruuca wershadani, wuxuuna ku tilmaamay geesiyaal taarikhda Somaliland Baal Dahab ah ka geli doona,
Mudane Saleebaan wuxuu usoo jeediyey Ganacsatada iyo tujaarta kale ee dalku inay iska kaashadaan sidii dadka iyo dalka ay
wax ugu tari lahaayeen, inta ay ku hawlanyahiin ayuu yidhi bariis iyo sonkor dibadda la inooga keeno.
Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamuud Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay
in Golaha Wakiiladdu uu dhawaan soo saari doono sharcigii kala xadaynaayey Wershadaha ganacsiga ee dalka, isagoo aad ugu amaanay
ganacsatada iyagu maalgashaday mashruucani.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Wershadani oo sheegay in mashruucani uu ku baxay lacag kor u dhaafaysa $5,000,000
(Shan malyan oo dollarka maraykanka ah) wuxuu sheegay in Wershadani ay awood u leedahay in beriga iyo badhtamaha afrika oo
dhan ay ka haqab tirto saabuunta budada ah, Wuxuu Sheegay Guddoomiyahu in ay ugu tallo galeen Somaliland 13%, halka inta soo
hadhay 87% ay u dhoofin doonaan waddamada Jaarka la ah Somaliland sida Ethiopia, Jibouti, Eriteria iyo Sudan.
|